Monday, October 31, 2016
Halgamaagii waynaa ee reer Hindiya Mahatma Gandhi waxa uu ka mid yahay, dadka taariikhda balaadhan kaga tagay dunida, isla markaana lahaa halku dhegyada dhaxal galka noqday, ee hogo tusaalaynta iyo talo bixinta isugu jira, kuwaas oo marka loo eego xigmadooda iyo mabaadii’da ay ku qotomaan gaadhsiisan heer caalami ah oo wakhtiyo kala duwan iyo umado kala gadisan saamaynaya.
Mahatma Gandhi waxa uu ka tagay halku dhegyo tiro badan oo uu kaga hadlayo, halganka, xoriyada, gabood falyada aadamiga loo gaysto, ku dhaqanka sharciga, toosinta maamulka iyo tilmaamida shacabka.
Todobada qodob ee aynu maanta ku soo qaadan doono, qormadeenan waxa uu kaga hadlayaa, waxyaabaha aadamiga noloshooda iyo qiimahooda burburiya, kuwaas oo dhamaantood ka dhasha waxyaabo aadamigu u baahan yahay, balse si khaldan loo adeegsaday, sida dedaalka lagu kaco ee aan qorshaha lahayn, cilmiga aan damiirku wehelin, ganacsiga aan akhlaaqda ka madhan iyo arrimo kale oo dhamaantood ay suura gal tahay in meel kasta oo dunida ka mid ah ay wakhti kasta ka dhici karaan, todobadaa arrimoodna waxa ay kala yihiin sidan.
1. Siyaasad Aan Mabda ku dhisnayn. Haddii aynu in yar is dul taagno waxa aynu dhamaanteen ka wada dheregsanahay in siyaasad kasta oo dunida laga hir galinayaa ku salaysan tahay, mabda si ay midho dhal u noqoto, laakiin marka ay bilaa mabda’a tahay waa duulaan aan cid ku jihaysnayn oo lagu kaco oo kale.
2. Hanti Aan Loo Dhididin. Sida dhamaan aadamigu ka siman yahay, wax kasta oo qofka ku soo gala, si fudud, wuxuu u dhaafaa si fudud, hanti aanu qofku shaqaysan ama u dhididina waa la wada yaqaana sida ay nolosha aadamiga u baabiiso una burburiso.
3. Garasho Aan Qiimayni la socon. Garashada aan qiimaynta xaaladaha dhabbta ah ee kugu xeeran iyo kuwa kaa hor iman kara aan lagu qiimayn, isla markaana sida aad u garanayso uun ku doonayso inay kugu meel marto, waa la wada garan karaa cawaaqibka ka dhalan kara.
4. Ganacsi Aan Akhlaaq ku dhisnayn. Marka ganacsigu noqdo mid bilaa akhlaaq ama dhaqan aan ku salaysnayn, isla markaana dad nimadu ka reeban tahay, waxa uu noqdaa mid aadamiga burburiya.
5. Aqoon Aadaminimada Ka Madhan. Bal akhriste is waydii, haddii qof aqoon u leh dhakhtarnimada oo ah mid dhamaanteed aadaminimo ku dhisan, uu noqdo qof ka madhan iinsaaniyada, muxuu samayn karaa, sow ma noqonayso in halkii uu bukaankiisa uga gargaari lahaa uu ka dhibaateeyo ama ganacsiba u arko, aqoontiisi ku salaysnayd gargaarista aadamiga?
6. Raaxaysi bilaa damiir ah. Marka qofku damco inuu dunida ku raaxaysto waxa kaliya ee xidhi karaa, waa damiirkiisa, laakiin hadduu ka gudbo waynu wada garan karaynaa in wax kasta oo xun uu u arki karo ama ay ula muuqanayaan mid uu raaxada ku gaadhi karo, ilaa heer dunida lagu arkay dad inta ay xitaa daroogadii maan dooriyayaasha ahayd ee la isla yaqaanay dhaafeen, isku dayay inay samaystaan wax ka wada sareeya ilaa ay ku waayeen naftoodi ama laxaadkoodi.
7. Ciibaado aan Tadxiyo lahayn. Cibaadadu sida aynu dhamaanteen isla wada garan karno, waa dedaal Alle loogu dhawaado, kaas oo lagama maarmaan ay tahay, inaad hal adayg u lahaato oo carqaladaha kaa hor iman kara aad ugu dhabar adaygto, tusaale ahaan haddad tahay qof muslim ah oo aad gaal u shaqayso, maaha caqli gal inaad cibaaddada Rabi uga baaqato ama ay kaa maanacdo.
W/Q: Abdirahman Mohamoud Isse
Samiirtech24.blogspot.com
Sheeko Xikmad leh: Wiilka fasalka ku dhexhurday, kadibna xaliyey su,aalo boqolaal sano laga jawaabi wayey
Ardey caajisloow ah, habeenkiina dhafri jiray, ayaa maalin maalmaha kamid ah, waxa uu kasoo qeyb galay, muxaadaro kasocoty jaamacad, taasoo macalinku uu ku sharaxayey cilmiga xisaabta iyo dhibaatada laga maro barashadiisa.
Ardeygii ayaa fasalkii ku dhex hurday ayadoo muxaadaraadii socoto, waxa uuna soo toosay ayadoo fasalkii lagu kala dareerayo, durbadiiba inuu baxo ayuu bilaabay, balse wuxuu eegay sabuurada, wuxuuna arkay qoraal xisaabeed aad u fara badan oo ku xardhan sabuurada.
Ardeygii ayaa fasalka kusoo noqday, waxa uuna bilaabay inuu min guuriyo wixi sabuurada ku qornaa, isagoo buugiisa ku qoronaya, waxa uuna naftiisa ka dhaadhiciyey in waxani yihiin,
waajib ama shaqo guri oo loo diray ardeyda si ay usoo xaliyaan.

Ardeygii ayaa guriga la aaday qoraalkii badnaa, ee soo miin guuriyey, waxa uuna guda galay in uu xal u helo dhowr su,aalood oo aad u adkaa, isagoo waxbadan waqti ku lumiyey matbacadaha iyo buugaag aqrinta. Ugu dambeyn dadaal dheer kadib waxa usuura gashay inuu xal usoo helo su,aalihii. waxa uuna kusoo laabtay jaamicadii isagoo doonayey inuu soo gudbiyo wixii uu kasoo shaqeeyey.
Macalinkii ayaase yiri: Su,aalaha sabuurada ku qornaa ma aysan ahayn shaqo guri(home work), mana amrin ardeyda in ay kasoo shaqeeyaan, ee maxaa adiga kugu kalifay in aad kasoo shaqeyso?. Ardey ayaa yiri: Ya Allah, waqti badan iyo dhafar badan ayaan u galay in aan xal u helo, adigana waxaa leedahay shaqo laguu diray ma ahan.
Macalinkii ayaa yiri: Su,aalaha sabuurada ku qornaa, waxey ahaayeen qaar ka mid ah tusaaooyin aan ardeyda siinayey, tusaalooyinkaasna waxey ka mid yihiin su,aalihii ay ka cajiseen ama xal u waayeen culimadii ugu weynaa ee cilmiga xisaabta….
Ardeygii ayaa yaabay, waxa uuna yiri: Macalin anigaaba xal usoo helay, waxa ay culimadu ka caajiseene..
Kadib markii la xaqiijiyey, daraasado badana lagu sameeyey ayaa la ogaaday in ardeygaasi uu si sax ah u xaliyey mas,alado boqolaal sano xal loo weysanaa oo cilmiga xisaabta ah. Hadiise uu soo jeedi lahaa ardeygaasi wuxuu aamini lahaa in su,aalahani yihiin mustaxiil xal u helistoodu, mana uusan isku howleen baarista iyo maskax adeegsiga.
Muhiimada sheeka: Shey mustxalil ah oo aan xal loo heli karin majirto, soomali waxey dhahdaa. “Dadaalaa waa gaaraa”
Saturday, October 29, 2016
Qofkasta waxa uu ubaahanyahay ayuu qaataa.....Xikmadda maanta Mohandas Gandi
Markii uu Gandhi halgamaagii Hindiya dhiganayay Jaamacadda College of Lonodn, macalin Ingriis ah oo la odhan jiray Wilson ayaa aad u nacbaa.
Maxaa yeelay Gandhi weligii madaxiisa hoos ugama dhigin marka uu isaga la hadlaayo sida aradayda kale. Mar kastana dood iyo dagaal ayaa ka dhaxasay.
Maalin isagoo Prof. Wilson ku qadaynaya hoolka jaamacadda ayuu Gandhi isaguna qadadiisa soo qaatay oo soo ag fadhiistay.
Wilson ayaa ku yidhi “ Gandhi , miyaanad ogayn in Doofaarka iyo shimbirtu aanay meel wax ku wada cunin?”
Gandhi ayaa markiiba si edeb leh u yidhi “ Ha werwerin Profossor, waan duulayaa”. Waana uu ka kacay.
Wilson oo aad Gandhi u necebaa ayaa maalin fasalka dhexdiis ku weydiiyay “ Hadii aad hesho kiish lacag ah iyo Kiisha xikmad ah keebaad qaadan lahayd?” Gandhi ayaa markiiba ku jawaabay kan lacagta ayaan qaadan lahaa.
Wilson ayaa isna ku yidhi “ Anigu xikmada ayaan qaadan lahaa” . Gandhi ayaa ku yidhi qof kastaa waxa ka maqan ee uu u baahan yahay ayuu qaataa. Ujeedaduna waa adiga xikmada ayaa kaa maqan aniga lacagta.
Sunday, October 9, 2016
Maxaad kataqaana daaciga wayn ee Dr Zakir Naik...?
MAXAAD KATAQAANA DR NAIK?...SHAKHSI NOOCE AH WEEYE...?
Zakir Abdul Karem Naik waa nin bulsho wax u sheeg ah una dhashay waddanka Hindiya kaas oo ka hadla diinta islaamka iyo diimaha kaleba ‘comparative religion’. Waa aas’aasaha iyo madexwaynaha Jimciyadda baadhitaanka islaamiga ah ‘Islamic research foundation’ (IRF). Jimciyaddan waa mid mutadawic ah waxayna leedahay warbaahiyaha caalamiga ah Peace Tv ee fadhigiisu yahay magaalada Dubai ee Isku tagga Imaaraadka Carabta. Kahor inta aanu noqon nin u hadla diinta islaamka waxa uu bartay maadadda caafimaadka halkaas oo uu diyaariyay dhaqtarnimo.
Taariikh nololeedka Zakir:
Dr Naik waxa uu ku dhashay magaalada Mombay, Maharasta Hindiya sannadkii 18kii Oktoober 1965kii, Waxbarashadiisa laga bilaabo dugsi hoose ilaa jaamacad wuxu ka dhigtay isla magaaladaas halkaas oo uu markii danbe ka baxay jaamacada Mombay ‘University of Mumbai’ halkaas oo uu ka qaatay ‘bachelor of medicine and surgery’.
1991kii Dr Zakir waxa uu bilaabay in uu ku shaqaysto dawaynta dadka waxayna ahayd sannadkii uu uu dhidibada u taagay ururkiisa ‘Islamic Research Foundation’. Naik waxa uu sheegay in uu dhiirigalintii ugu badnayd ee sababtay in uu noqdo qof u hadla islaamka uu ka helay Sheekha weyn ee u dhashay dalka South Afirca Sh.Axmed Deedat mar uu la kulmay sannaddii 1987. Naik wuxu yidhi hadafkaygu waa in aan xoogga saaro dhallinyarta muslimka ah ee la baqa diintooda isla markaasna u haysta wax laga tagay ‘out dated’, taas oo uu aaminsan yahay in ay tahay waajib saaran qof kasta oo muslim ah in uu iska saaro fikradaha qaldan ee uu ka aaminsanyahay diinta. Zakir qudbadihiisa oo qoran waxa lagu daabacaa wargeysyo iyo majallado caalami ah oo ay ugu horayso majallada ‘Islamic voice’.
Nin ku xeel dheer barashada dadka iyo waxa ay aaminsanyihiin ayaa Dr Zakir ku sheegay in uu aad uga yaabay sida uu ugu xafidsanyahay quraanka iyo xadiisyadaba af aan kiisa hooyo ahayn taasina waa sababta ka dhigtay buu yidhi in uu caan ka noqdo bulshada muslimka ah iyo ta aan ahaynba .
Qudbadihiisa:
Doodaha caalamiga ah ee u qabto Dr Zakir iyo qudbadihiisaba waxa lagu baahiyaa habka online, waxa kale oo loo duubaa qaab cajalado ah ( DVD ) taas oo laga daawado dhamaan dacallada dunida. Qudbadihiisa oo uu ku duubo luuqada Ingiriisida waxa laga sii daaya warbaahiyayaal badan oo uu ka mid yahay channelka Peace Tv. Mawduucyada ugu qiimaha badan uguna caansan ee Dr Zakir waxaa ka mid ah: Quran and modern science, Islam and Christianity, iyo Islam and securalism”.
Naik wuxu qudbado iyo dooddo ku qabtaa meelo badan oo dunida ah, waxaana ka mid ah dooddii caanka ahayd ee uu la galay William Campell taas oo ka dhacday magaalada Chicago April 2000 kana hadlaysay mawduuca cinwaankiisu ahaa “The Qur’an and the Bible: In the Light of Science”.
2004 Naik waxa lagu martiqaaday jaamacadda Melbourne ee magaalada Melbourne Australia, waxaana uu ka hadlay mawduuca ah in diinta islaamku tahay ta kaliya ee siisay dumarka xuquuq dhammaystiran. 21kii Jeneweri 2006 waxa uu Naik wada hadal diimeed la galay Sri Sri Ravi Shankar taas oo ka dhacday magaalada Banglore kuna saabsanayd ‘Concept of God in Islam and Hinduism’.
Naik waxa uu noqday qofka 82aad ee liiska 100ka qof ee ugu awoodda badan hindiya ‘100 most powerful Indians in 2010’ ee ku soo baxay wargayska the Indian Express. Sidoo kale wuxu ka mid noqday shaqsiyaadka lagu soo qaatay buugga la magac baxay ‘the 500 most influential muslims’.
Sanadkii 2012 Naik waxa uu safar ku tagay waddanka Malaysia halkaas oo uu ku qabtay in ka badan shan qudbadood.
Bishii July ee sanadkan 2013, Naik waxa uu ku guulaystay abbaal marinta ah shaqsiyadda islaamka ee sannadka ‘Islamic personality of the year’ taas oo lagu guddoonsiisay sannad guuradii 17aad ee ‘Dubai International Holy Quran Award’ oo lagu qabtay magaalada Dubay.

Monday, August 8, 2016
Jacayl uu uqabo wadankiisa ayuu ugubay beertiisa sheeko cajiib ah
Muwaadin Turki ah ayaa gubay beertiisa
oo u dhawayd garoonka ay ka duulayeen diyaardihii ka qayb qadanayay Af ganbigii
fashilmay si qiiqa kasoo baxaya uu u carqaladeeyo duulimaadka
diyaaradahaas...waa uuna ku guulaystay.
Ilaa
heerkaas ay gaarto wadani nimadeena yeynan waxba eedayn Madaxda.
Sunday, July 31, 2016
Subscribe to:
Posts (Atom)