Sunday, January 3, 2016

xikmado cajiib ah akhrisasho wacan




1.
Goortii aad dareento inaadan sii socon karin, goortii aad dareento in qofna uusan ku fahmeen, Goortii dhibaato ku hayso aadna hayn wax xal ah, Xusuuso Alle ayaa haya jawaabaha oo dhan. Ma arki kartid wadada kaa horeysa balse Alle ayaa arki kara. Ma garan kartid qiimahaaga balse Alle ayaa garanaya. Ma heli kartid hab aad farxad ku hesho balse Alle ayaa ku tusi kara – Haddii aad ku kalsoonaato oo talo saarato
Alle SWT wuxuu Quraanka ku yiri,
“Ruuxii Alle ka dhawrsada wuxuu u furi faraj. Wuxuuna ka irsaaqi meel uusan ka filanayn, ruuxii Eebe Tala saartana waa ku filan yahay, Eebena amarkiisu waa fuli (waxna kama fakado) wax walbana Eebe wuxuu u yeelay waqti sugan…”

2.
Imtixaan kasta oo nolosha ah wuxuu kuu noqon karaa mid ku toosiya ama ku jebiya. Doorashadu (ikhtiyaarku) waa xagaaga haddii aad noqon lahayd mid guuleystay ama mid rajo dhigay. Xusuuso: School-ka waxaa lagu baraa cashar ka dibna waxaa lagu siiyaa imtixaan Laakiin Nolosha waxaa lagu siiyaa oo soo hormara Imtixaanka si uu kuu baro Cashar. Ka baro Dersi wax kastoo ku soo mara.
3.
Qof aad caawisay xilli uu aad ugu baahnaa ama aad ka fududeysay kurbo xun oo heysay, farxadooda waxaa uga sii naxdin badan inaad sheeg-sheegto ama mar kasta xusuusiso abaal aad u gashay. Iska hilmaan wixi wanaag aad qof kale u sameysay. Noloshu waa in la isu caawiyo Alle dartii.
4.
Gawaarida Rolls Royce iyo Bentley ma laha wax xayeysiin (iidheh) ah. Sababtoo ah waxay garanayaan qiimaha & tayada alaabtooda inay macaamiisha u keenayso. Casharka laga baranayo waxa weeye, markaad taqaan qiimahaaga ma aha inaad is xayeysiiso, dadkana barido. Ku kalsoonow qofka aad tahay. Garo Qiimahaaga.
5.
Biyaha Bada oo dhan ma dejin karaan Markab dul maraya ilaa ay gudaha u galaan. Sidaa kale qof ku xumeeyay, ku xantay ama xumaan lagaa faafiyay wax kuuma geysan karaan ilaa ay maskaxdaada galaan, adiguna aad xaalad isaga dhigto. Ogow Aargoosiga ugu wanaagsan waa inaad horay u socoto, cafiso, iska ilowdo, kuna dedaasho inaad guuleysato. Marnaba ha siin qof qanaacada ah inay ku daawadaan adigoo dhibaatoonaya
6.
Marnaba ha Kibrin oo dadka ha iska Weynayn!
Goortii Shimbirtu nooshahay.. Waxay cuntaa Qudhaanjada.
Goortii shimbirtu dhimato.. Quraanyadaa cunta shimbirta.
Waqtiga iyo duruuftu way is bedeli karaan xilli kasta.
Hal Geed ayaa sameyn kara malaayiin Tarraq ah... balse Hal xabo oo tarraq ah ayaa gubi kara malaayiin Geedo ah.
Ha liidin, ha dhibsan, hana dulmin qof Noloshiisa.
Maanta waxaa laga yaabaa inaad tahay qof awood badan. Laakiin Xusuuso, Waqtiga ayaa aad kaaga Xoog badan!


by: Abdirahman samiir

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !