Sunday, January 3, 2016

Halganka Nolosha Sheeko


Gabar ayaa aabaheed markay u tagtay u gudbisay cabasho in nolosheedu ay darxumaysan tahay & inaysan garaneyn wax ay sameyso. Waxay ka daashay dagaal & halgan nolosha ah xilli kasta. Waxay u muuqatay markey hal dhib xaliso in mid kale soo baxeyso. Aabaheed oo ahaa dabbaakh sare (Cunto kariye) ayaa jikada u soo kaxeeyay. Wuxuu ka buuxiyay saddex digsi biyo dab ayuuna saaray, wuxuu ka buuxiyay mid baradho, kii 2aad ukun, kii 3aadna bun (kafee). Gabadhiisi ayuu ku yiri daawo sida ay u karayaan, wuu sugay cabaar, 20 daqiiqo ka dib ayuu ka wada saaray oo mid kasta geliyay weel gaar ah.
Gabadhiisi ayuu u sharaxay in baradhada, ukunti iyo kafeegi mid kasta wajahay duruuf-qalafsan – Biyo aad u kulul. Hase yeeshee mid kasta wuxuu ula fal-galay si kala duwan. Baradhadu waxay ahayd mid adag oo xoogan laakiin marki biyihi kululaa lagu riday waxay noqotay jileec. Ukuntu waxay ahayd mid jabi-og, dahaarka sarena uu ilaaliyo dareeraha gudaha ugu jira, marki biyaha kulul lagu kariyay gudaheedi waxay noqotay adayg. Bunka (kafee) wuxuu ahaa mid ka wada duwan, marki biyaha kulul lagu riday waxay bedeleen biyihi waxayna ka dhigeen midab kale & udgoon carfoon oo la cabi karo.
Gabadhiisi ayuu ku yiri, “goortii dhibaato albaabkaada soo garaacdo, sidee uga jawaabtaa? Sidee ula fal-gashaa? Ma daciif bay kaa dhigaan mise waa ku jebiyaan mise adayg & xoog ayaad ka qaadaa?
Noloshu wax badan ayaa hareeraheena ka dhaca, wax badan ayaa nagu dhaca. Dhibaato mar kasta qofka waa soo wajahaysaa haduu noolyahay. Laakiin waxa ugu muhiimsan sida aan u doorano inaan ula fal-galno, waxa aan ka dhigano. Noloshu waa sida aad u fahanto, u maareyso uguna badasho dhamaan dhibaatooyinka & halganka na soo mara si positive ah oo waxtar leh.

by: Abdirahman Samiir

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !