Saturday, January 2, 2016
salaanta wanaagsan sheeko cajiib ah
Waxay ahayd dhamaadki saacadihi shaqada ee wershada qaboojiyaha. Shaqaalihi waxay u xirxirteen inay rawaxaan. Cillad farsamo ayaa gudaha ka dhacday, nin ka mid ah shaqaalihi ayaa ku noqday gudaha si uu u hubiyo. Kolki uu dhameeyay waxay ahayd xilli dambe oo albaabadi la wada xiray, nalkina la damiyay. Wuxuu ku go’doomay gudaha wershada qaboojiyaha iyadoo hawo & iftiin aysan jirin, wuxuu ka baqsanaa in Qabri baraf ah ku sameysmi doono oo uu meesha ku dhiman doono.
Saacado ka dib, wuxuu maqlay qof albaabka furaya. Waardiyihi Amniga oo ahaa nin Mareykan ah ayaa soo galay isagoo toosh wata, wuxuuna ku caawiyay inuu ka soo baxo. Markay banaanka yimaadeen ayuu ninki weydiiyay, “Sidee ku ogaatay inaan gudaha ku jiro? Yaa uu sheegay?” Waardiyihi ayaa yiri, “Qofna iima sheegin mudane; qeybtan waxaa ka shaqeeya ilaa 50 qof. Waxaa tahay qofka keliya ee igu salaama subixi “Assalaamu Calaykum” Fiidkina i yiraahda “Allaha ku xafido”. Saaka waad igu tiri laakiin rawaxaadi iguma oran. Waxay igu dhalisay shaki inaad soo baxday iyo in kale!
Ninkaa Marnaba ma moodeyn in ficil yar oo qof uu salaamo uu u noqon doono badbaado naftiisa.
Xusuuso inaad si wanaagsan u salaanto markaad qof la kulanto ama iska soo hor baxdaan, dabcan marnaba ma garan kartid – inay sidoo kale kuugu shaqeyso noloshaada si mucjiso ah.
Waxaa dhamaantiin idinku salaamayaa Salaan tan ugu sareysa
Assalaamu Calaykum
by: Abdirahman samiir
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Write comments