Dalka Spain waa dal ka mid ah wadamada ku midaysan ururka Midawga
Yurub waxaana uu ku yaala gacanka la yiraahda Ibara juquraafi ahaan
waxaa uu ku yaala Koofur bari qaaradda Yurub.
Bedka wadanku waxaa 505,992 km2 1.04% dhulkaas waa biyo waxaana uu ka mid yahay wadamada Yurub ugu dhulka weyn
Jihooyinka Koofureed iyo Bari waxaa uu xaduud kala leeyahay badda Mediterranean.
Xaduud dhuleed waxaa uu la leeyahay wadamo ay ka mid yihiin Fransiis,ka Andora iyo Bortaqiiska.
Tirada dadka dalka Spain waxaa lagu qiyaasaa 46,704,314 million oo ruux.
Caasimada wadanka waa Madrid magaalada labaad ee ugu weyn wadankana waa Barcelona.
Magaalada Madrid oo ah magaalada xarunta ah uguna weyn dalka Spain waxaa ku nool 47.27 million oo ruux halka magaalada Barcelonana ay ku nool yihiin 1.6 million oo ruux waxaase usoo dukaamaysi taga 4.5 million oo ruux.
Magaalada Barcelona oo magaceeda siyaabo kala duwan loogu dhawaaqo waxaa aad u caan bixiyay Kooxda magaaladdaaas ka dhisan ee Barcelona waana taas mida dadka qaar ay ugu yeeraan magaaladda Barca.
Dhulka Spain waxaa sidoo kale ka mid ah jaziiraddaha la yiraahdo Balearic iyo Canary oo ku yaala badda Mediterranean,ka
Dalka Spain waa dalka 2,aad ee ugu weyn wadamada galbeedka Yurub iyo dalka 5,aad ee ugu weyn qaaradda Yurub oo dhan waana dalka 13,aad ee dunnida ugu dhaqaalaha badan waxaana uu ka kooban yahay illaa 50 gobol.
Dalkaan waxay taariikhyahanadu sheegaan in la degay 200 sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise (CS) halka taariikhyahano kale sheegaan inay dadkii ugu horeeyay tageen muddo haatan laga joogo 35,000 oo sanno.
Sanadku markuu ahaa 1492 waxaa dalka laga dhigay dal boqortooyo ah illaa haddana boqortooyaddu waa ay ka jirtaa dalkaasi waxaana uu ka mid yahay wadamadii gumaystay dalal badan oo dunnidaan ku yaala waana taas tan keentay in in ka badan 500 million oo ruux ay maanta ku hadlaan afka Spanish,ka.
Luuqada wadanka waa Spanish waxaase dawladu aqoonsantahay oo dalkaasi looga hadlaa luuqado kale oo ay ka mid yihiin Basque Catalan Galician iyo Occitan.
Wadanku waxaa ka jira dawlad dastuuri ah waxaana wadanku leeyahay Boqor,Gole baarlamaan, oo aqal sare iyo aqal hoose leh R/wasaare iyo R/wasaare ku xigeen haweeney ah dawladuna dastuur u qoran ayay ku shaqeysaa.
Boqorka wadanka waxaa la yiraahdaa Juan Carlos I ,R/wasaaraha dalka waxaa la yiraahdaa Mariano Rajoy R/wasaare ku xigeenkana Soraya Sáenz de Santamaría
Lacagta wadaanka waa Yuuroo oo ah lacagta Yurub oo dhan laga isticmaalo seedka Baabuurtu isku dhaafaana waa dhanka midig.
Waa dal ay ku nool yihiin qawmiyado kala duwan waxaa loo kala saaraa 87.8% waa Spanish halka 12.2 ay yihiin soo galooti ah.
Wadanka Spain waa dal soo galay dagaalo taariikhda galay waxaana la xasuustaa dagaal sokeeye oo wadankaasi ka dhacay waayihii hogaamiyihii kaligi taliska ahaa ee General Francisco Franco oo la aaminsan yahay inay ku naf waayeen 500,000 oo ruux halka kala bar dadka wadankaasina ay dalka ka carareen.
Dhanka ciidamada marka loo eego dalkaasi waxaa uu leeyahay ciidamo aan tiro yareyn oo kumaan gaaraya waxayna ka mid yihiin ciidamada ugu faca weyn dunnida waxaana la aaminsan yahay in la aas aasay qarnigii 15,aad.
Ciidamada Spain waxay toos uga amar qaataan boqorka dalka Juan CarlosI waxaana ay qeyb ka yihiin ciidamada gaashaanbuurta NATO, kuwa Midawga Yurub iyo kuwa Q,M.
Tirada ciidamada lugta ee Spain waxaa ay gaarayaan 75,000 oo askari, kuwa badda waa 20,800, halka ciidamada cirkana ay gaarayaan 20,300 oo askari.
Dhanka Diimaha marka loo eego hadda waxay dadkiisu u badan yihiin masiixiyiin kaatooliyiin ah waxaana ay ka yihiin 69% dadka aan wax diin ah haysan dalkaasi waxay ka yihiin 26% dadka diimaha kale haystana waxay dalka Spain ka yihiin 2%.
Dalkaan waxaa uu ka mid yahay wadamada taariikhda fog leh diinta Islamka waxaana uu ka mid ahaa wadamadii la isku oran jiray Andaluus qarnigii 8 aad waxaana dadka Muslimiinta ah dalkaasi ugu badnaayeen illaa dabayaaqadii qarnigii 10,aad.
Dhaqanka badi dadku waaxay u dhaqan eg yihiin dadka dega Yurub inkastoo ay kala duwan yihiin.
Dadka wadanka waxay badankood xirtaan dharka suraawiisha iyo shaatiyada hase ahaatee xilligaan dhalinyarada gabdhaha ah waxay xirtaan goonooyin iyo shaatiyo gaagaaban oo dhinacyada furan madaxana fiyoore ayay gashtaan.
Wiilashuna waxay xirtaan dharka dhalinyarada ee fashionka la yiraahdo
Badi dadka wadanka waxay cunaan kaluunka iyo waxyaabaha badda laga helo, maraqa, hilbaha xoolaha iyo doofaarka oo ay cunaan dadka aan Muslimiinta aheyn.
Magacyada wadanka lagala baxo waa kuwa dhaqanka ku salaysan waxaana 20, magac ee ugu badan ee dalkaasi lagala baxo ka mid ah.
· García –
· Fernández –
· González
· Germanic
· Rodríguez
· López –
· Martínez –
· Sánchez –
· Pérez
· Martín
· Gómez
· Ruiz –
· Hernández
· Jiménez –
· Díaz
· Álvarez
· Moreno
· Muñoz
· Alonso
· Gutiérrez
· Romero
Cayaaraha marka aanu eegnana dalka Spain waxaa uu ka mid yahay wadamada lagu qadariyo caayaraha kubadda cagta waxaana horyaalka wadankaasi laga caayaro uu ka mid yahay kuwa ugu daawashada badan dunnida.
Xulka qaranka Spain hal mar oo kaliya ayuu ku guulaystay koobka adduunka waana sanadkii ugu dambeeyay ee 2010.
Kooxo kubadda cagta ah oo magac weyn ku leh caalamka ayaa wadankaasi ka dhisan
Cayaaro kale oo ay ka mid yihiin basket,ka Tennis, tartanka baaskiiladda iyo kan mootooyinka, Fustelka iyo cayaayaraha dibbida lala dagaalo ayaa si weyn wadanka Spain looga cayaaraa.
W/Q: Abdirahman Mohamud Isse

No comments:
Write comments