Arrin aan iyadoo kale badanaa lagu arag dunida ayaa waxay ku dhacday laba gabdhood oo arday ka ahaa Jaamacadda Colombia ee magaalada New York.
Gabdhahan ayaa si lama filaan ah u ogaaday inay walaalo yihiin xilli ay ka wada qayb galayeen Tababar qorista ah oo ay Jaamacaddu bixinaysay.
Sida ay qortay wakaaladda Associated Press, Labada gabdhood oo hal hooyo ay dhashay ayaa horaantii 80tameeyadii dhashay. Waxayna iyagoo yar kala raaceen laba reerood oo magaalooyin kala duwan ku kala nool.
Lizy Falfirdi ayaa la nooleyd qoys degan gobalka New Gersey, halka Katy Aulson ay iyadana inta badan waqtigeeda ku nooleyd gobalada Florida iyo Ayawa.
Labada gabdhood ayaa mar dambe usoo wada guuray New York, halkaas oo ay Jaamacad qura ka wada galeen.
Iyagoo ka wada sheekeysanayay noloshooda gaarka ah iyo cida ay la kala noolyihiin ayeey si kadis ah ugu dambeyntii u ogaadeen inay yihin laba gabdhood oo walaalo ah.
by; Abdirahman Samiir
somalitech24
Thursday, December 24, 2015
Kadis cajiib ah: Aqriso sheeko xiiso leh
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Write comments