Haweenay maseyrsan oo gurigeeda hor fadhida ayaa waxaa u yimid nin safar ah oo biyo uu cabo doonayo. Ninkii socotada ahaa ayaa waxa uu ku yiri, “Walaal i waraabi” Naagtii maseyrsanayd baa mooday inuu waydiiyay ninkeedii kolkaasay ugu jawaabtay, “Aqalkaas buu maantoo idil ku jiray”
Ninkii socotada ahaa ayaa garan waayay waxay ka hadlayso kolkaasuu yiri, “Waa maxay walaal”
Waxay mooday inuu yiri, Waa arrin yaableh kolkaasay tiri
“Aniguba sidaas baan u yaabanahay!”
Maseyrku wuxuu qofka ka dhigaa inuu maqlo oo arko waxa u muuqda oo maskaxdiisa ka dhex guuxaya keliya.
by: Abdirahman Samiir
sheekooyinkaan aad soo copiyeysay xuquuqdooda ilaali xus meesha aad kasoo qaaday sheeg qoraaga magaciisa sidaas ayaa sharaf badan hadi kale khaa,in ama tuug ayaad noqonaysaa
ReplyDeletebiri ka maalin adiga qoraalada aad qortid ayaa sidaas loo bililqaysanayaa
sida iiga kaa muuqata qaxa tahay qof aad u xiisaynaya inuu wax qoro waadna awooda isku day wax aad maskaxdaada ka keentay inaad qortid mahadsanid