Saturday, March 26, 2016

Xasuuqa muslimiinta Barma maxaad kala socotaa haddaba wax ka ogow+Sawirro.........!!!!!!!!!!!



dalka Burma oo sidoo kale loo yaqaano,Myanmar ama republic of the union of myanmar, waa dal ku yaalo koonfurta qaaradda asia, waxay xaduud wadaagaan India, Bangladesh, China, Laos iyo dalka Thailand.
Burma waxaa lagu sheegaa dalka 40aad ee aduunka ugu weyn, iyo dalka labaad ee uguweyn dalalka la isku yiraahdo koonfur bari asia, sidoo kale waxaa lagu sheegaa dalka 24aad ee ugu dadka badan aduunka ayadoo ay ku noolyihiin in kabadan 60.28 milyuun.
Diin ahaan dadka reer Burma, waxay inta badan aaminsanyihiin Buddhism, qiyaastina waa 89% dadka ku nool Burma waa buddhism, waxaa soo raaco kirishtaanka oo lagu sheego 4% iyo Islamka oo ay ku sheegaan 4% dadka reer Burma in ay aaminsanyihiin diinta Islamka lakin la aaminsanyahay in ay intaas ka badanyihiin muslimiinta reer Burma.
waxaa soo raaco qowmiyado kale oo ay ka mid yihiin kuwo aaminsan, hinduism, atheism, animism, iyo chinese folk religin.
MUSLIMIINTA BURMA
Waxaa la sheegaa in islamku uu gaaray Burma qarnigii 9aad, waxayna muslimiinta ku soo gaareen dhulka Burma qaab ganacsi, badmareeno muslimiin ah, safaro iyo qaabab kala duwan.
In muddo ah waxaa muslimiinta reer Burma dhibaato ku hayey koox buudhis ah oo xagjir ah, aadna u gumaadayey muslimiin, dhibaato nooc walbo ahna ku waday oo iskugu jiro dil, dhac iyo burburin ayakoo isku dayo in ay muslimiinta ka ciribtiraan Burma.
Dhibaatooyinki ugu danbeeyey ee loo geystay muslimiinta Burma, wuxuu soo bilowday bilihii aynu soo dhaafnay ayadoo warbixinada ay sheegayaan in ay xagjiriinta buudhiska ah ay burburiyeen in kabadan 20 degaan oo ay muslimiinta dagnaayeen, ayakoo sidoo kale burburiyey 1600 guri ayadoo kumanaan qof ay ka carareen guryihii la gubay.
muslimiinti ugu badneyd ee rerr Burma waxay qaxooti ku yihiin dalka bangaladhesh,ayadoo tirada ilaa hadda gaartay dalka bangaladhesh lagu sheegay ku dhawaad 300 oo kun.
Xasuuqii ugu darnaa ee loo geysto muslimiin Burma, wuxuu dhacay sanadkii 1978, ayadoo ay sidaan oo kale ugu qaxeen dalka bangaladheesh, sidoo kale sanadkii 1982 waxay dowlada Burma kansashay sharciyada in badan oo kamid ahayd dadka muslimiinta ayakoo ku eedeeyey, in ay muslimiinta deegaankooda ka qaadanayaan.
dhibaatooyinki muslimiinta reer Burma loo geystay waxaa ka mid ahaa in gabdhaha muslimiinta loo diiday in ay guursadaan ayaka oo aan gaarin 25sano ninkana 30jir ka hor in uusan guursan, ayadoo lagala dagaalamayay dhanka taranka ama in aybataan.
barakacayaasha muslimiinta reer Burma ee sida xaqdarrada ah looga soo bixiyey guryahoodi, waxay nolol adag kala kulmayaan xeryaha ay ka daganyihiin dalka bangaladhesh, ayakoo teendhooyin ka dhistay meelo aan deegaanka ku habooneen, taas oo sababtay in ka dilaacaan xanuuno qatar ah oo ay ka mid yihiin Malariya, kolora iyo shuban biyood.
Nabiga SCW, waxaa laga wariyey xadiis micnihiisa uu ahaa, muslimiinta waxay la midyihiin sidii hal jir ah, haddey xubin kamid ah xanuunsato, dhamaan xubnaha kale waxay la wadaagaan xanuunka, soo jeedka iyo rafaadka.
hadabo muslimiinta rer Burma waxay ku suganyihiin xaalad aad u adag, waxay sugayaan walaaltinimadii ka dhaxaysay muslimiinta, gargaarna waxay ka sugayaan qof walba oo muslim ah meeshuu doono ha joogo, luuqadduu doonana ha ku hadlee.

daawo sawiro kuumuujinaya dhibta lagu hayo muslimiinta Burma
Waa laba nin oo muslimiin ah oo ciidanka wadankaasi ay kaqaadayaan kutubada allooow ugargaar muslimiinta Burma

waa caruur muslimiin ah oo yaryara oo hoy la aan ah iyadoo roobku iyo dhaxantuba kudhacayaan jirkooda



Haddaba aanu kucaawino inaan uduceyno
Alloow dhibta ka dulqaad
AAMIIN AAMIIN


 W/Q: Abdirahman Mohamud Isse (Abdirahman Samiir)

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !