Sunday, January 3, 2016
maxaa kala qabsaday laaluush dalbadihii iyo beeralaydii Sheeko layaab leh
Nin Mas'uul Dowladeed ah Dalka Hindiya ayaa dad Beeraley ah oo la soo xiriiray wuxuu ka dalbaday Laaluush inay siiyaan haddii kale uusan arrimahooda u fulinayn. Beeraleydi waxay soo ururiyeen 40 Mas. Waxay ku soo rideen Boorso ka dibna Boorsadi masaska ayay xafiiska ugu keeneen, Albaabkina banaanka uga xireen.
Mas'uulki iyo saraakiil la joogtay markay boorsadi fureen iyagoo u heysta in lacag badan looga soo buuxiyay, ayaa masaski ku soo baxeyn. Waxay bilaabeen qeylo iyo baryootan in la badbaadiyo, waxayna ballan qaadeen inaysan noloshooda mar dambe laaluush qaadan!
by: Abdirahman samiir
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Write comments