Sunday, January 3, 2016

Weedho Wacan oo Waxtar leh Qaliinkii Abdirahman samiir



1.
Qorrax-dhaca halkan waxay Qorrax soo bax u tahay dhinac kale oo Aduunka ka mid ah. Marnaba ha quusan sababtoo ah wax u muuqda dhamaad ayaa xaqiiqdii ah bilow cusub.
2.
Haddii dhibic biyo ah ku dhacdo Haro, muuqeedi wuu lumayaa;
Haddii ay ku dhacdo caleen geed Ubax ah, aad bay u iftaa;
Dhibicdu waa isku mid; laakiin wehelka, halka ay tagtay, ayaa muhiim ah.
3.
Ma jiro qof Aduunka ku nool oo ka baqa inuu Runta sheego.
Qofku wuxuu ka baqaa inuu wajaho cawaaqibka, natiijada ka dhalata marki Runta la sheego!
4.
Qofka ku Caawiya, ha Hilmaamin
Qofka ku Jecel, ha Nicin,
Qof ku Aaminay, ha Qiyaamin.
5.
Wax kasta oo daciif kaa dhiga muuqaal ahaan, maskax ahaan & caqiido ahaan he yeelin oo ha qaadan waa Sun.
6.
Badu halkeeda ayay u joogtaa dadkoo dhan
Qeyb baa kala soo baxda Luul,
Qeyb baa kala soo baxda Kalluun,
Qeyb baa kala soo baxda korkooda oo Qoyan keliya!
Sidoo kale, Aduunku halkiisa ayuu u joogaa dadka oo dhan
Wixi aan ka helno waa wixi aan isku dayno!!
7.
Goortii aad Tukaneyso, ka taxadar Qalbigaaga.
Goortii aad Dadka dhex joogto, ka taxadar Carabkaaga.
Goortii aad wax Cuneyso, Ka taxadar Dhuuntaada (Cunaha)
Goortii aad nin kale Gurigiisa ku sugan tahay, ka taxadar Indhahaaga.
8.
Boqor kasta xilli buu ahaa ilma yar oo Oohin badan
Dhisme kasta oo weyn xilli buu ahaa naqshad warqad ku qoran keliya
Muhiim ma aha halka aad maanta joogto ama taagan tahay,
Laakiin waxa muhiim ah halka aad BERI gaari doonto

by: Abdirahman samiir

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !