Sunday, January 3, 2016
Qiso gaaban balse murti iyo macno weyn xambaarsan!
Nin ayaa wuxuu arkay dib-qallooc biyo ku dhacay oo sii quusaya, ninki ayaa biyaha ka soo saaray si uusan ugu dhiman. Dib-qallooci ayaa gacanta ka qaniinay markuu bannaanka keenay, ka dibna biyihi galay. Ninki oo gacanti kor u haya ayaa hadana biyaha ka soo saaray, mar labaad ayuu qaniinay. Nin kale oo arkayay ayaa weydiiyay, “Maxaad bahalkan xun ee ku qaniinay aad hadana iskugu dayeysaa inaad badbaadiso? Maa deyso biyaha ha ku dhintee ama waa la dilaayee maad disho?”
Ninki ayaa ugu jawaabay “Dib-qalloocan dabeecadiisa ayaa ah inuu wax qaniino, Anigana dabeecadeyda ayaa ah inaan wax caawiyo”
Ka dib ninki cabaar buu fakiray, geed u dhow ayuu Caleen weyn ka soo jaray oo biyihi kaga soo saaray, kuna fogeeyay.
Dabeecadaha dadku waa kala duwan yihiin. Dad qaarkii, sida dib-qaloocaa, waxay dabeecadoodu tahay inay wax qaniinaan keliya. Adigu ma aha in dabeecadaada aad u bedesho qof kale oo xumaan kugu sameeyay ama ku aflagaadeeyay. Marnaba haka tagin hab-dhaqankaaga wanaagsan wax kasta oo kula soo gudboonaada.
by: Abdirahman Samiir
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Write comments