Sunday, January 3, 2016
Sheeko Ilaahow hana waalin!
Laba bukaan oo madaxa ka xanuunsanaa ayaa Cusbitaal ku wada jiray. Maalin iyagoo lugeynaya ayaa mid si kedis ah ugu dhacay Berkada dabaasha, wuu quusay, salka u dambeysa ayuuna fariistay. Ninki kale ayaa u booday Berkada soona badbaadiyay. Agaasimihi Cusbitaalka ayaa maqlay ficilka geesinimada ah ee ninkan sameeyay. Wuxuu amray in Cusbitaalka laga saaro maadaama hada loo tixgeliyay inuu caafimaad qabo.
Marki Agaasimihi loo keenay ninki ayuu ku yiri, “Waxaan kuu haynaa war fiican iyo war xun! Warka fiican waa in Cusbitaalka lagaa saarayo sababtoo ah waalidi hada waa kaa baxday, waxaadna noqotay Halyey qof badbaadiyay. Warka xun waxa weeye bukaanki aad badbaadisay wuxuu isku dal-dalay qolka wuuna dhintay”
Ninki ayaa ugu jawaabay, “Ditoore, Isagu isma daldalin. Anigaa marki aan ka soo saaray Berkada soo suray xariga kor ku xirnaa si uu qoyaanki uga qalalo!!!
by: Abdirahman Samiir
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Write comments