Saturday, January 2, 2016

Sida maanta la isu shaqaaleeyo meelo badan oo Aduunka ka mid ah...

Saddex nin baa shaqo Xisaabiye Shirkad weyn interview u maray. Kii koowaad baa loo yeeray. Waxa la weydiiyay 1 + 1 intee weeye? wuxuu la soo booday waa 2. waxaa la yiri ma aadan sheegin, nabadey. isagoo yaaban buu soo baxay.
Labadi kale ayaa su'aalay waxa la weydiiyay. Wuu u sheegay.
Kii labaad baa loo yeeray isla su'aashi baa la weydiiyay, 1 + 1 waa intee? wuxuu is yiri, caqli isticmaal haddii sidi hore la diiday isku-darka (+) ka saar, wuxuu ku jawaabay waa 11. Waxa la yiri ma sheegin waa dhacday bax adigana.
Kii saddexaad baa loo yeeray, isla su'aashi baa la weydiiyay 1+1 =? wuxuu ku yiri Daaqadaha noo xir, Daaha sii daa, Albaabka riix. ka dib buu inta eegay ku jawaabay, "Sidee Mudane kuugu qoraa oo aad rabtaa? Maamulihi ayaa yiri adigaa helay shaqada!!! Hambalyo.

Labadi hore daacad bay u sheegeen balse ninka saddexaad wuu fahamsanaa habka maanta loo shaqeyo in badan sababtoo ah canshuur baa lala baxsadaa, saamilayaal (shareholders) baa faa'iido laga qarsadaa, dad baa waxooda la dhacaa. Marka ninkaa waxaa loo qaatay sida mas'uulka shaqaaleeyay rabo ayuu wax ugu qorayaa maaha sida saxda oo daacada ah inuu u shaqeeyo.
Waa murugo balse waa xaqiiq maanta ka jirta meelo badan oo Dunida ah!
La Wadaag Asxaabtaada
by: Abdirahman samiir

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !