Saturday, January 2, 2016

Sida looga fogaado Xasad iyo inaad qof Qalbi-jabiso




1. Lacagtaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Sabool ah
2. Caafimaadkaaga ha ka hadlin adigoo la jooga qof Buka
3. Cuntada aad cunto ha ka hadlin adigoo la jooga qof Gaajeysan
4. Farxada Guurkaaga ha ka hadlin adigoo la jooga qof la soo Furay
5. Awoodaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Tabar daran
6. Farxadaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Murugeysan
7. Xoriyadaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Maxbuus ah
8. Caruurtaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Ilma dhali waayay.
9. Hooyadaa & Aabahaa ha ka hadlin adigoo la jooga Agoon
10. Shaqada & derajadaada sare ha u xayeysiin adigoo la jooga qof waqtigu hayo, dantuna ka adkaatay!

Ha ku digan dadka, Sababtoo ah dhaawacoodu ma xamili karo culays intaa ka badan!

by: Abdirahman Samiir

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !