Saturday, January 2, 2016

Adiga iyo Madaxdaada – Qoraalkan waa duq laakiin waa dahab




1.
Goortii aad qalad sameyso, waxaad tahay doqon
Goortii Madaxdaada qalad sameyso, waa bini’aadan

2.
Goortii waqti dheer shaqo kugu qaato, waad gaabisaa
Goortii Madaxdaada waqti dheer ku qaadato, wuu shaqeynayaa
3.
Goortii aadan shaqada qaban, waxaad tahay Caajis
Goortii Madaxdaada uusan qaban, aad buu mashquul u yahay
4.
Goortii aad fasax codsato, waxaad u socotaa interview – shaqo raadis baa tahay
Goortii Madaxdaada fasax codsado, sababtoo ah shaqadi baa ka badatay, xaq buuna u leeyahay
5.
Goortii wax xun aad ka biyo diido, waxaad tahay macangag
Goortii madaxdaada sidaa yeelo, waa qof adag
6.
Goortaa aad u qanciso ama aad uga farxiso, dan baad leedahay
Goortii uu isagu madaxdiisa ka farxiyo, waa wada shaqeynta qeyb ka mid ah
7.
Goortii aad Xafiiska ka maqan tahay, wareeg & micno daro ayaad ku maqan tahay
Goortii isagu maqan yahay, Arrin shaqo ayuu ku maqan yahay
8.
Goortii aad maalin xanuunsato, waxaad tahay qof jiroole ah
Goortii Madaxdaada maalin xanuunsado, Aad buu u xanuunsan yahay runtii
9.
Goortii aad qabato shaqo aan laguu dirin, Kacaanka ayaad ka dheeraynaysaa
Goortii Madaxdaada sidaa oo kale sameeyo, waa qof hal abuur & karti leh
Si kastoo Madaxdaadu qalad u sameyso ama wax u qaribaan, had iyo jeer qiil buu leeyahay laakiin shaqaaluhu waa “Maskiin baa Misko la fuulo leh
”FG. Madax oo dhan sidaa ma wada aha, Shaqaale oo dhan sidaa la ma wada kulmaan, waa aragti guud keliya

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !