Saturday, January 2, 2016

Xikmadihi ugu Xiisaha badnaa 2015

1. Shimbir geed dul fadhida marnaba kama cabsato in laanta ay saaran tahay la jabto, sababtoo ah kalsoonideedu ma aha laanta balse waa baalasheeda. Had & jeer ku kalsoonow naftaada
2. Qorrax-dhaca halkan waxay Qorrax soo bax u tahay dhinac kale oo Aduunka ka mid ah. Ha quusan sababtoo ah wax u muuqda dhamaad ayaa xaqiiqdii ah bilow cusub.
3. Marnaba ha ka quusan wax aad si dhab ah u rabto, way adag tahay in la sugo, laakiin waxaa ka sii daran inaad ka shalayto
4. Haddii aad ku guuleysatay inaad qof khiyaanto, ha u maleyn in qofkaasi Doqon yahay. Ogow in qofkaasi kuu aaminay in ka badan inti aad istaahishay
5. Marnaba ha iska dhegatirin qof ku jecel, ku daryeela, kuu baahan, sababtoo ah maalin ayaad intaa baraarugto garan doontaa inaad dayaxa weyday kolki aad xidigaha tirineysay
6. Noloshu waxay macno badan yeelataa marki aad garowsato xaqiiqda fudud ee ah in fursad isku mid ah aysan laba jeer ku soo mareyn. Ka faa’iideyso fursad kasta
7. Haddii xukun & awood damaanad qaadaan amni, kuwa madaxda ah ayaa lugeyn lahaa ilaalo la’aan. Haddii qurux & magac keenaan xiriir waara, kuwa caanka ah ee heesa ama filimaanta jila ayaa guurka u wanaagsan yeelan lahaa, laakiin waxay heystaan diiwaanka furiinka ugu badan aduunka. U noolow si fudud. U soco si tartiib ah
8. Tartanka u dhaxeeya Libaax & Deero, marar badan waxaa guuleystay Deerada sababtoo ah Libaaxa wuxuu u ordayay oo keliya cunto, Deeraduna waxay u ordeysay Nolol. Xusuuso: Ujeedo (hadaf) ayaa aad uga muhiimsan Baahida. Ha noqon qof cunto keliya u orda
9. Ciyaarta feerka (boxing game) inaad guuldareysatay laguma dhawaaqo markaad dhulka ku dhacdo; waxaa lagu dhawaaqaa markaad diido inaad dhulka ka soo kacdo. Noloshu waa sidoo kale waad kufeysaa wax badan balse waxaad guuldareysatay marki aad diido inaad dhulka iska qaado oo kor u kacdo
10. Boqor kasta xilli buu ahaa ilma yar oo Oohin badan Dhisme kasta oo weyn xilli buu ahaa naqshad warqad ku qoran keliya. Muhiim ma aha halka aad maanta joogto ama taagan tahay, Laakiin waxa muhiim ah halka aad BERI gaari doonto

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !