Saturday, January 2, 2016
waa igatalo xaskaga hakaladlin arimaha qaar iyadoo jikada kujirta sheeko
Wuxuu u soo galay Xaaskiisi oo jikada cunto ku karineysa, wuxuu ku yiri:
Ninki: Sidee buu Qalbigaagu hal mar u wada jeclaan karaa afartaada caruur ah ?
Xaaski: Alle ayaa ugu talagalay sidaa. Qalbiga Hooyadu wuu qaadi karaa Jaceylka caruurteeda. sidaa darteed ayaana afarteyda caruur ah isku si ugu wada jeclahay
Ninki: Sidoo kale, Alle ayaa ugu talagalay ninka Ragga ah inuu afar xaas yeesho. Qalbiga ninkuna wuu qaadi karaa. sidaa darteed ayaan rabay inaan kuugu sheego inaan haweenay kale guursan rabo.
Isagoo cusbitaal jiifa, marki uu ka soo miyirsaday dhaawici ka soo gaaray Biyihi kululaa dabka saarnaa ee lagu shubay ayuu fariin u diray Ragga kale, "Marnaba arrimaha qaarkood ha kala hadlin Xaaskaada oo Jikada ku jirta!"
by: Abdirahman Samiir
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Write comments