Wasiirka maaliyadda Turkiga Maxamed Sisik ayaa sheegay in
madaxtooyada cusub ee madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordgan ay
ku bixi doonto lacag gaareysa 600 oo Milyan oo doollarka maeykanka ah,
taas oo noqoneysa laba laabka miisaaniyaddii horay loogu qorsheeyay.
Qasirgan cusub ayaa waxa uu ka koobnaan doonaa ilaa kun qol oo ay ku jiraan 215 hoolal oo lagu shiri doono, halka baaxadda dhulka uu ku fadhiyana ay 30 jeer ku laabmi doonto dhulka uu aqalka cad ee MAreykanku ku fadhiyo.
Sisik ayaa shaaca ka qaaday in 137 milyan oo lacagtaan kamid ah ay ku dallacan tahay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015, taas oo aad ugu badan in hal sano miisaaniyadda dowladda lagu kordhiyo lacag tiradaas leh.
Sidoo kale wasiirka ayaa intaas ku daray in diyaarad khaas u ah madaxweynaha la diyaariyay oo nuuceedu yahay Airbus A 330-200,miisaaniyad ahaan dowladda ay bixin doonto kuna kici doonto adduun lacageed oo gaaraya 185 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Mucaaradka dalkaasi ayaa madaxweynaha ku eedeynaya in uu doonayo in uu baabi’iyo dhaqankii cilmaaniyadda ee uu aas aasay aasaasihii Turkida Cilmaaniyadda ah Mustafa Jamaal Ataatorki, isaga oo ka illaabaya in uu xarunta madaxtooyada ka raro xaruntii uu dhisay Ataatorki.
by: Abdirahman Samiir

No comments:
Write comments