Sunday, January 3, 2016
Waa Maxay Micnaha Jaceyl?
Koox khubaro ah ayaa su’aashan weydiiyay koox arday da’doodu u dhaxeysay 4 – 8 sano: “Waa maxay Jaceyl”
Jawaabta ay heleen way ka ballaarneyd kana qoto dheereed sidi qof kasta sawiran karay. Eeg sida caruurtan 4 – 8 jirka ah Jaceylka u qeexeen…
Axmed – 8 sano
“Goortii qof ku jecel yahay habka ay ugu dhawaaqaan magacaaga waa hab ka duwan sida caadiga ah. Waxaad ogaaneysaa in magacaagu ammaan ku yahay afkooda”
Maryan – 6 sano
“Goortii Ayeeyadey uu ku dhacay xanuunka neerfaha ee kalagoysyada xubnaha jirka (rumatiisim) ma marsan karin cillaan cidiyaha lugaheeda, Awoowgey ayaa u sameyn jiray sidaa, xitaa marki gacmihiisu ay rumatiisim qabeen sidoo kale. Taasi waa Jaceyl”
Xaawo – 5 sano
“Jaceylku waa marki Hooyo Coffee u sameyso Aabe, iyaduna kabato marka hore si ay u hubiso in dhadhanku OK yahay”
Maxamed – 7 sano
“Jaceylku waa waxa dhoolacadeyn kuu keena goortii aad daalan tahay”
Xuseen - 5 sano
“Aabe wuxuu si fiican u salaamaa Hooyo markuu guriga ka baxayo, markuu soo noqdana si fiican buu u salaamaa. Taasi waa Jaceyl”
Sahro – 4 sano
“Walaalkey iga weyn boorsadiisa Schoolka jeedkeeda waxaan maalin kasta kala baxaa xabad shukulaato ah, isaguna wuu soo geliyaa subax kasta isagoo og inaan ka cuno!”
Daahir - 6 sano
“Masraxa Schoolka markaan soo istaagay si aan u heeso, waan baqayay, waxaan fiiriyay dadki i eegayay waxaan arkay Aabahay oo gacanta ii haatinaya iina dhoolacadeynaya. Wuxuu ahaa qofka keliya ee sidaa sameynayay. Kalsooni baa i gashay anigana. Taasi waa Jaceyl”
Faadumo - 7 sano
“Jaceylku waa marki Hooyo cunto kariso ka dibna caruurta iyo Aabe siiso inta ugu wanaagsan”
Cali - 4 sano
“Jaceylku waa marki Aabe casharo waxbarasho Hooyo buuga ugu qoro, annagana nagu dhahaan sii ciyaara intay qolka soo xirtaan!”
Caasho - 6 sano
“Ma aha in qof aad tiraahdo waa ku Jeclahay ilaa ay kaa dhab tahay. Haddii ay dhab kaa tahay waa inaad cadeysaa. Dadku way hilmaamaan qodobkan”
Xaliimo - 7 sano
“Jaceylku waa marki ay gabadh wiil u sheegto in Shaatiga uu sito qurux badan yahay, ka dibna uu soo xirto subax kasta!”
by: Abdirahman samiir
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Write comments