Sunday, January 3, 2016
Aabe syrian ah oo hellay lacag dhan 100,000$ haddaba sidee buu kuhellay lacagta intaas le'eg
Aabe iyo Gabadhiisi! Laba Sawir laba macno kala xambaarsan; Qalbi-Jab iyo Qalbi Qaboojin!!!
Wuxuu xambaarsanaa gabadhiisi yareyd, wuxuu wadada ku iibinayay xoogaa Qalimaan ah, waxaa ka muuqday murugo weyn. Ma haysan Hoy, Hu' iyo Hunguri.
Waxaa lagu soo bandhigay Baraha Bulshada. Waa la raadiyay, waa la soo helay, waa loo gurmaday!!!
Allahu Akbar Taasi waa naxariista iyo walaaltinimada Muslimiinta. Waxaa loo ururiyay lacag dhan ilaa 100,000 Dollar, Wuxuu ku dhaartay inuu wax ka siin doono Qaxootiga kale ee Syrian-ka. Waa Aabe Syrian ah oo Qaxooti ku ah Wadanka Lubnaan.
Allaha dhibaatada ka dul qaado noloshana u fududeeyo dhamaan umada muslimiinta meel kasta oo ay ku dhibaateysan yihiin.
by: Abdirahman samiir
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Write comments