Sunday, January 3, 2016

Riyadii aan rumoobin Sheeko cajiib ah



Lamaane is qabay oo wada hurday ayaa xaaski intay kacday oo fariisatay ka dib Oohin ku dhufatay. Ninki ayaa hurdadi ka booday isagoo leh, “Bismillaah maxaa kugu dhacay oo kaa oohiyay xilligan?” Waxay ku tiri, “Waxaan ku riyoonayay iyadoo nin Lacag badan leh oo Qurxoon iga kaa afduubtay ka dibna aan guri la degay”
Ninki ayaa dhoolacadeeyay isagoo niyada iska leh weligaa kaa tagi mayso mar haddii ay arrinkaa ka naxday oo la ooyday, wuxuu ku yiri, “Waa caadi Gacaliso, Run ma aha, waa Riyo keliya”
Waxay ugu jawaabtay iyadoo kor u qeylinaysa, “Waxaan la ooyay markaan ogaaday inay Riyo keliya tahay oo aysan Run ahayn!!”


by: Abdirahman samiir

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !