Sunday, January 3, 2016

Nolosha waxaa ka buuxa Casharo ay tahay in la barto…



haddii aan wax uun ka baranay nolosha, waa in mararka qaar, waqtiyada ugu mugdisan ay na geyn karaan goobaha ugu iftiinka badan. Waxaan baranay in dadka ugu xun ay na bari karaan casharada ugu muhiimsan, in halgankeena ugu xanuunka badan uu ina siin karo koriimada lama huraanka u ah nolosheena. Waxaan baranay in wax hada kuula muuqda inkaar uu xaqiiqdii kuu noqon karo barako, in wax kuula muuqda dhamaadka wadada run ahaanti uu kuu yahay helida dhabo kale oo aad ku socdaasho.
Waxaan baranay in si kasta oo duruuftu u adag tahay, ay had & jeer jirto Rajo. Waxaan baranay in si kastoo aan u dareeno daciifnimo ama sida xun oo xaaladu u muuqato, inaynaan is dhiibin oo quusan ee aan horay u soconaa. Xitaa marki ay cabsi jirto, xitaa marki tabarta oo dhan u muuqato inay naga tagtay, waa inaan nafta sare kicinaa, horayna u dhaqaaqnaa, sababtoo ah wax kastoo aan hada u halgameyno, waxay naga dhigayaan in aad imtixaanka gudubtay ama nolosha ka dhacday.
Goortii aan ku jirno bartamaha waqti shiddo way adag tahay inaan sawirano in xaaladu hagaageyso. Hase yeeshee, safarka aan gudbeyno ayaa naga dhigi kara qof nolosha is dhiibay oo murugo & tiiraanyo la nool ama qof horumaray oo karti & xilkasnimo u siyaaday.
Xusuusnow: Ciyaarta feerka (boxing game) inaad guuldareysatay laguma dhawaaqo markaad dhulka ku dhacdo; waxaa lagu dhawaaqaa markaad diido inaad dhulka ka soo kacdo. Noloshu waa sidoo kale waad kufeysaa wax badan balse waxaad guuldareysatay marki aad diido inaad dhulka iska qaado oo kor u kacdo!
Waxaan idiin rajeynayaa dhamaan inaad ku noolaataan Nolol Qiime, Qaayo, Qurux iyo Qanacsanaan leh.


by: Abdirahman samiir

Booqo boloogayga

No comments:
Write comments

Interested for our works and services?
Get more of our update !